Somalia

Yaa noqon doona raisul wasaaraha cusub ee somalia ?

5 maalimood ka hor ayay ahayd markii raisul wasaarihi hore somalia hasan ali khayre ay mudanayaasha barlamaanku kala noqdeen codkii kalsoonida ahaa waxaana isi soo tarayay maalimihii ugu danbeeyay warar sheegaya cida loo magacaabayo xilka prime minister ka dawlada federalka soomaliya.
Ila wareedyo lagu kal soon yahay ayaa somstar news u sheegay magacyada afarta siyaasi ee ugu miisaanka culus mid kamid ahna noqon karo raisul wasaaraha cusub ee soomaliya uu na soo dhisi doono xukuumad wadanka gaarsiisa doorasho lagu kal soonyahay.
afartan siyaasi ayaa kala ah:

1; Abdikariim xuseen guuled
2; Amb" maxamed nuur haaji
3; Eng" abdulahi ali xasan
4; Dr" cabdinaasir abdille

Siyaasiyiintan ayaa ku loo lamaya kursiga raisul wasaaraha dalka.
Xog qarsoodi ah oo ay heshay somstar news ayaa sheegaya in siyaasiga lagu wado inuu noqdo raisul wasaaraha dalka uu yahay abdikariim xuseen guuled oo soo noqday madaxweenihi galmudug ahaana sanaddi 2017 musharax madaxweene dawlada federalka somalia.
Ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa somstar news u xagiijiyay in madaxweene qoor qoor uu isagu ka danbeeyo dabadana ka riixayo madaxweene farmaajo si abdikariim xuseen guuled loo geeyo xilka raisul wasaaraha dalka.
Abdikariim xuseen guuled oo hadda ku sugan dalka turkiga ayaa lagu wadaa maalimahan fooda nagu soo haya inuu la kulmo madaxweene farmaajo oo safar shaqo ku imaanaya dalka turkiga.

Xuquuqda qoraalku way dhawran tahay...