SOMALI COMMUNITY
January 9

Waayo Somali Community Telegram sida loogu soo biiro  

Halkan Waxankugu soo gudbin doonaa qoraal yar oo ku anfacaya hadii aad doonays i naad nagu soo biirto ama ogaato qaabk aan u shaqeynayo

📝 Team Somali Admins - Madasha Dhalinyarada Somali Telegramers
1️⃣ Team Somali Admins waa madal ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira Telegram.

  • Dhalintan ayaa gaareysa ilaa 600.000+ qof.
  • Waxay maamulaan 30 Channels, kuwaas oo mid kasta uu leeyahay ugu yaraan 12,000+ qof.
  • Hadafka Dhalinta waa inay wax ugu soo gudbiyaan bulshada Telegram, iyadoo aanay helin faaiido maadi ah.

🎯 Hadafka & Ujeedada Teamka:

  • Isku hawlgalka iyo waqtiga dhalinyaradu waxay ku bixiyaan sidii bulshada ugu soo gudbin lahaayeen:
    • Wacyigalinta,
    • Koorsooyin Bilaash ah,
    • Taariikh,
    • Muxaadarooyin,
    • Sports,
    • Xikmado iwm.
  • Tirada Subscribers-ka Teamkeena waxay kor u dhaafayaan 700,000 qof!

📚 Mawduucyada Channels-ka Lagu Soo Gudbiyo:

  • 📝 Buugaag PDF ah
  • 🎓 Koorsooyin Bilaash ah
  • 🌍 Wacyigalinta
  • 💡 Xikmado
  • 🕌 Arimaha Diinta
  • 🎤 Muxaadarooyin
  • Sports
  • 🌱 Dhiiragalinta & Baraarujinta
  • 💬 Xogo Telegram ku saabsan
  • 🎶 Suugaan iyo kuwo kale...

**🧑‍🤝‍🧑 Sida Loo Soo Biiri Karo Teamka:

  • Channel-kaaga waa in uu af Soomaali ku baxaa.
  • Channel-kaaga waa in uusan diinteena suuban ka soo horjeedin ama dhaqanka Soomaaliyeed ka hor imaanin.
  • Channel-kaagu waa inuu yahay mid ka faa'iido badan bulshada, waxaana uu haystaa ugu yaraan 15,000-25,000 subscriber.
  • Channel-kaaga waa inuu yahay public, iyo 3 bil ka badan inuu jiray.
  • Username waa inuu ka kooban yahay 16 xaraf ama ka yar (Tusaale: @somalibooks ama @Diinteenna_Macaan).

💪 Naga Go'an:

  • Inaan bulshada Soomaaliyeed wax ugu soo gudbino, iyadoo laga duulayo aqoonta, wacyigalinta, iyo horumarka.
  • Waxaan dadaal ugu jirnaa inaan u gaarsiinno dadka, wax waxtar leh sida ugu dhakhsaha badan.

🚀 @Somali_Admins
Gudoomiyaha Madasha

Fadhan halkan kala soco Faahfaahinta