β¦π 10 Hab Oo Aad U Akhrin Karto Buugaag Badan 2024Β Β
**β¦π 10 Hab Oo Aad U Akhrin Karto Buugaag Badan 2024**
ποΈ *"Baadidoon aqoonta ilaa inta iilka lagu dhigayo."*
β **Nebi Muxammad NNKH**
**1. Akhri waxaad jeceshahay**
π‘ Xiisahaagu ha noqdo hanuuniyahaaga. Buugaagta aan naftaadu jeclayn ha isku khasbin, halkii waxaad raadisaa kuwa qalbigaaga soo jiidanaya.
**2. Ka Caajisid**
π Haddii buuggu xiiso kuu yeelan waayo, jooji akhriskiisa. Bedel ama bilow mid cusub oo ku dhiirrigeliya.
**3. Marwalba Buug Iibso**
π° Buugtu waa maalgelin naftaada ah. Qorshee inaad bil kasta iibsato buug cusub.
**4. Wada Akhri Dhowr Buug**
π Maalinkasta ha isku dhex wado dhowr buug. Midka xiisaha kaa kaxeeya bedel oo ku noqo kan kugu fiican.
**5. Deegaankaa Qaabee**
π³ Xulo goob deggan oo dhiirrigelin leh, si aad u abuurto caado wax-akhris joogto ah.
**6. Qorshe Cad Dejiso**
ποΈ Iska diyaari jadwal ku saabsan inta buug ee aad akhrin doonto sannadka. Maalinkasta sii qaybi bogagga aad rabto inaad akhriso.
**7. Ku Biir Naadiyo Akhriska**
π₯ Hel koox wada xiiseysa buugaagta si aad u wadaagtaan aragtiyo iyo falanqayn akhris.
**8. Madadaalo Ku Hel Buugaagta**
π Xulo buugaag xiiso leh oo ku maaweeliya marka aad ka caajiso waxyaabo kale.
**9. Hab Fikirkaaga Beddel**
π§ Ku sawir naftaada adoo ah qof sannad kasta akhriya tiro buugaag badan, taasoo dhiirrigelin kuu noqonaysa.
**10. Tirada Ha Tixgelin**
πΈ Ku raaxeyso akhriska! Ma aha tirada buugaagta muhiimka ah, balse waa tayada iyo fahamka aad ka hesho.
β€οΈ ππΌππ²
π ππΆπΈπ²
π¬ Groupka Gorfeynta Ku soo biir https://t.me/Gorfeyn