Qaabka lagu Dabto Saacad ka hore shaqada la so dhigay
Marka hore eeg sawirka : Google ha ahaato ama Linkdin links is links,Maanta, aynu ka hadalno sida loo helo shaqooyinka la dhigay saacadihii la soo dhaafay. Suuqan, waa muhiim inaad noqoto mid ka mid ah kuwa ugu horreeya ee codsada.
Haa, inta badan waxaan aragnaa marka notifcation shaqadu iyadoo taalay "24 saacadood," ama "Kuwa Ugu Dambeeyay," laakiin waxaan ka hadlayaa codsashada saacadaha ugu horreeya ee la dhigo.
Sidee ayaad u heli kartaa shaqooyinkaas?
Waxay ku saabsan tahay in la bedelo URL-ka raadinta shaqada oo laga dhigo "86,400" ilbiriqsi (taas oo ah inta ilbiriqsi ee ku jira 24 saacadood) ilaa "3,600" ilbiriqsi (taas oo ah inta ilbiriqsi ee ku jira hal saacad).
Waxaan isku dayay tan anigoo bedelaya "86400" ilaa "3600," "7200," "10800" iwm.. wayna shaqeysay!
Halkan waa waxa aad sameyso:
- Tag shaqooyinka LinkedIn, raadi cinwaanka shaqadaada, oo deji natiijooyinka inay noqdaan "24 saacadood."
- Fiiri URL-ka oo ka saar "86400" oo beddelkeeda isku day lambar kale sida "10800" si aad u aragto shaqooyinka la dhigay saddexdii saacadood ee la soo dhaafay.